Archive for: November, 2010

Madaxweynaha Uganda oo Muqdisho yimid kadibna ka laabtay.

Bariisle:Sunday, November 28, 2010(Muqdisho) Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musafani ayaa maanta booqasho aan horay loo sii shaacin ku yimid Magaalada Muqdisho isagoo kulan la qaatay Madaxweynaha dowladda KMG iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya. Yuweri Musafani iyo Xaaskiisa ayaa maanta waxaa ay safar aan horay loo sii shaacin kuyimaadeen magaalada Muqdisho iyagoo kulamo gooni gooni [...]

Wasiir Buuri Oo Hambalyeeyey Udiray Maayirka Magaalada Jig Jiga!Eng.Guuleed Dheeg Mohamed

 Bariisle:Saturday, November 20, 2010(HARGEISA)Wasiir kuxigeenkii hore Wasaarada Caafimaadka iyo Shaqada Somaliland Mudane: Mahdi Osman Abdullaahi Buuri ayaa dhamaal Hambalyo, Duco, iyo Waano Waayeelnimo ah u diray Maajirka Cusub ee Magaalada Jig Jiga Mudane: Eng: Guuleed Dheeg Max,ed, Qoraalka Wasiirka ayaa waxaa uu u dhignaa sidan:  Anigoo marka hore salaamaya dhamaan websityada ka hawl gara kor [...]

Sagaal Wasiir dowle iyo 18 Wasiir ku xigeen oo la magacaabay.

Baiisle:Thursday, November 18, 2010(Muqdisho) Warqad Qoraal ah oo Galabta ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo waxaa lagu magacaabay Wasiir dowlayaal iyo wasiir ku xigeeno ka tirsan Xukuumada KMG Soomaaliya. Waxaa la magacaabay sagaal wasiiro dowlo oo ka tirsanm Xukuumada KMG Soomaaliya iyo 18 wasiir ku xigeen, waxaana ay kala yihiin [...]

AMISOM oo madaafiic gaysatay qasaaro ku garaacay Suuqa Bakaaraha.

Bariisle:Wednesday, November 17, 2010(Muqdisho) Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa duqeymo sababay dhimasho iyo dhawac soo gaaray maanta waxaa ay ku garaaceen Suuqa wayn Bakaaraha ee magaalada Muqdsiho. In kabadn 10-qof ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 40-kalana waa ay ku dhawacmeen duqeymo aan loo meel dayin oo ciidamada AMISOM barqonimadii maanta ay ku [...]

Eid Mubarik Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Gabooye ee UK

Bariisle:Tuesday, November 16, 2010(LONDON) Asc dhamaan waxan ugu hambalyaynaya umada Gabooye meelkasto ay joogto munaasabad ciidul adxa, anigoo ku hadlaya magaceyga iyo ka Ururka Dhalinyarad Gabooye ee UK waxaan leeyahey umada Gabooye cidan ciideeda Allaha nabad iyo cafimad ha inagu gaadhsiiyo umadeenana dulmiga Allaha ka saaro oo hanoqoto mid israacda oo cadawgeeda meel uga soo [...]

Suldaan Daakir oo Dhambaal Hambalyo ah u diraaya Umada Islaamka!

Bariisle:Tuesday, November 16, 2010(HARGEISA) Suldaaan Daakir Xassan khalif oo kamid ah Sallaadiinta Beelaha Somaliland Guud ahaan Gaar ahaanna Beelaha gabooye ayaa waxaa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa ciidal Odxada darteed umada Islaamka ah ee daafaha Dunida ku kala nool.  Suldaanka ayaa waxaa uu si gaar ah uugu dirayaa Hambalyadan Umada Somaliland oo ilaa iyo [...]

Madaxweyne Shariif oo u Hambaliyeeyay Umadda Soomaaliyeed.

Bariisle:Tuesday, November 16, 2010(Muqdisho) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa u hambaliyeeyay shacabka Soomaaliyeed Munaasabadda Ciidul Adxaa Owgeed, isagoo ku sugan magaalada Maka Al-Murakarrama ee dalka Sacuudiya Carabiya. Isagoo ku sugan magaalada Barakaysan ee Maka Al-Mukarrama ee dalka Sacuudiya ayaa Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu ugu [...]

Qurba Joogta Shacabka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Ee Ku Nool Waqooyiga America,Canada iyo Australia Oo Hanbalyo U dira Maayirka Magalada Jig-jiga Eng.Guuleed Dheeg Mohamed

Bariisle:Monday, November 15, 2010(CANADA) Anaga oo ka mid ah Qurba Joogta Shacabka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ku kala nool Waqooyi Ameerika, Kanadha, iyo Awsteraliya waxaanu dhamantayo si wada jira halkan aanu ugu soo gudbineyna hambalyo, tahniyad iyo bogaadiin duqa cusub ee dhawaan loo magacabey magaalada jigjiga Mudane-Injineer Guuleed Dheeg Maxamed iyo ku xigeenkisa Mudane Kulmiye [...]

Paul and Rachel Chandlers oo la soo gaarsiiyay Muqdisho.

Bariisle:Sunday, November 14, 2010(Muqdisho) Lamaanaha u dhashay wadanka Ingiriiska ee Paul and Rachel Chandlers ayaa maanta duhurkii la soo gaarsiiyay Magaalada Muqdisho iyagoo kulamo la qaatay Ra’iisul wasaaraha dowladda iyo gudoomiyaha Barlamanka Diyaarad yar oo siday Lamaanaha u dhashay wadanka Ingiriiska ee mudada lagu heystay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug kana soo kicitintay degmada Cadaado [...]

Akademiga Horumarka Iyo Waxbarashada Dadka Laheyb-sooco oo kulan u qabtey Hogaanka Dhaqanka!

Bariisle:Sunday, November 14, 2010(HARGEISA) Akademiga horumarka iyo waxbarashada dadka laheyb-sooco ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan Adem,Academic for Development and Education of Minorities(Adem) ayaa kulan khaas ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay u qabtey hogaanka sare ee beelaha laheyb-sooco. kulankan ayaa waxaa uu ahaa mid salka ku haya sidii umada laheyb-sooca [...]

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com

Facebook