Faah faahin ku saabsan weerarkii ismiidaaminta ee Baladweyne
Bariisle Media: Tuesday,January,24,2012(Baladweyne)faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa weerar ismiidaamin ah oo saaka lagu qaaday Xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne.
Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Baladweyne gaar ahaan Xarunta gobolka Hiiraan ee magaaladaasi.
Gaari laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa oo noociisu uu yahay Hoomeey kaasi oo uu saarnaa qof naftiis hure ah ayaa waxaa la sheegay in uu galay Xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo Ethiopian ah.
Macadda qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkaasi ismiidaaminta ah hase ahaatee qaraxa ayaa waxaa uu bur buriyay guryo badan oo ku yaalay halka weerarka uu ka dhacay .
Saraakiil u hadlay Al Shabaab oo sheegtay Mas’uuliyada weerarkaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay la beegsadeen ismiidaaminta Saraakiil iyo ciidamo Ethiopian ah oo ku jiray saf balaaran loona jeedinayey qudbado kuwaasi oo ay sheegeen in ay gaarsiiyeen qasaaro dhimasho ayna ka gubeen gaadiid ay lahaayeen.
Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee dowladda KMG oo ku sugan magaalada Baladweyne oo ay Shabelle la xiriirtay ayaa waxa uu sheegay in uu jiro weerarkaasi ismiidaaminta hase ahaatee uusan ka war hayn sida ay wax u dhaceen, waxaana uu sheegay in ay dib ka sheegi doonaan sida uu falkaasi u dhacay iyo qasaaraha ka dhashay.
Related posts:
- Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan qaraxii ismiidaaminta ee Muqdisho.
- Faah faahin kasoo baxeysa weerar ka dhacay xalay Magaalada Gaarisa
- Faah faahin dheeri ah oo ka soo baxayso ciidamo shalay gaaray Somaliland.
- Maamulka Xisbul Islaam ee deegaanka Lafoole oo faah faahin ka bixiyay israsaaseyn maanta dhaxmartay Ciidamadooda iyo Ciidamada Ilaalada Hay’adda MSF.
- Faah faahin dheeri oo ku aadan dab ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa bakaraha.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=5407














