Habeenka Hal-abuurka iyo Hibooyinka Dahsoon ee Dhalinyarada Oo Hargeisa Lagu Qabtey
Bariisle Media:Wednesday,January, 25,2012(HARGEISA)Bandhig Sugaaneed lagu daahfurayey Maansooyin aad uu xiiso badan oo ay curiyeen labada Abwaan ee aadka u da,da yar Mr. Cali Max,ed Ibrahim Dhanaaniye iyo Axmed Cali Axmed Cartan ayaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtey Hotel Imperial ee Magaalada Hargeisa,
Xafladan oo si heersare ah loo soo agaasimay isla markaana ay soo diyaarisay qabanqaabadeeda iyo maalgalinteedaba Dallada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo ayaa waxaa ka soo qeybgalay Masuuliyiin kala duwan, Hal abuuro waaweyn, Dhalinyaro aad u tairo badan iyo waliba sidoo kale odeyga aadka miisaanka iyo muga uugu leh bulshada afka Somaliga ku hadasha ee Max,ed Ibrahim Warsame Hadraawi,
Haddaba waxaa ugu horeyntiiba madasha ka hadlay Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Somaliland Mudane: Waceys waxaanu sheegay doorka dhalinyarada iyo ka shaqeynta aayahooda sida ay markasta uuga go,an tahay dallada sonyo, waxaanu Gudoomiyuhu tusaale u soo qaatey siday sonyo uuga shaqeysay xeerka dhalinyarada ee ka qeybgalka Siyaasada, Gudoomiyaha ayaa waxaa uu dareenkiisa ka sheegay sida caawa uu uugu faraxsan yahay inuu arko dhalinyaro aad u da,yar kuwaas oo mowhibadooda suugaaneed soo bandhigaya.
Waxaa intaas kadib mikrafoonka la wareegay labada Abwaan ee da,dayar waxaanay mid mid u soo bandhigeen sugaantooda, ugu horeyntiina waxaa si qurux badan oo farshaxannimo aad u heersaraysa u soo bandhigay laba gabay oo kala duwan Abwaan Dhanaaniye labadaas gabay ayaa waxay kala ahaayeen kuwo taabanaaya nolosha dhabta ah ee Bulshada laheyb-sooco iyo aayaha jaceylka dhalinyarada. Abwaan Dhanaaniye oo da.diisu tahay 14 Jir isla markaana dhigta dugsiga sare ee Magaalada Burco ayaa waxaa uu dareenkii dadka u soo jiitay si layaab leh isagoo si waafiya uga waramaya sababaha ku kalifay inuu ka gabyo arimaha Heyb-sooco iyo foolxumadooda ayaa waxaa uu Tusaalayaal badan u soo qaadanaya waxyaabaha ka dhex dhaca bulshada dhaxdeeda, abwaan dhanaaniye ayaa waxaa uu si qiiro leh uuga waramay takoorka iyo fool xumadiisa isagoo habsuugaamaysan dadkii hortiisa fadhiyey uugaga dhaadhicinaayey,
Madasha oo noqotey mid aad u yaab badan ayaa waxaa isna dhinaciis intaas kadib Mikrafoonka qaatey Abwaan Cartan waxaanu isna si nadxin iyo qiiro leh uuga waramay Tahriibka iyo dhibtiisa iyadoo aad arkeysay dhamaan dadkii oo dhabanada wada haysata iskuna qaban laadahay awooda suugaameed ee dhalinyaradan ku jirta iyo da,dooda.
waxaa intaask kadib isna madasha soo sadaxeeyey Abwaan Yaxye oo isna gabayo qaafiyad fiican leh oo ku saleysan noloshan casriga ah meesha ka akhriyey dhamaan dadkii dhabanada gacmaha ku hayey ayaad arkeysay waxoogaa yar kadib markii yaxye qaatey hadalka iyagoo qosol gacmaha wada tumaaya.
xidhiidhiyaha xaflada Mr. Canbuur oo kaalin weyn ku lahaa habsami u socodkeeda ayaa waxaa uu haddana ku celiyey Mikrafoonka Abwaan dhanaaniye iyo Cartan waxaanay iyaguna haddana saareen Dhinacii Jaceylkeyga
waxaa sidoo kale iyaguna madasha ka hadlay Abwaan Axmed Awgeed, Marwo Faadumo Siciid, Max,ed Daa,ud oo ahaa Gudomiyihii hore ee Gobolka Maroodijeex, Axmed Abokor oo ku hadlaayey afka akhristayaasha Somaliland, waxaanay dhamaantood ka wada hadleen faa,idada ay leedahay awood galinta dhalinyarada iyo sida ay mihiimka u tahay in la badiyo madalaha noocan oo kale ah.
Barkhad Jama Hirsi oo ah Lataliyaha Madaxweynaha Arimaha Bulshada oo isna madasha ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay sida uu uugu faraxsan yahay dhalinyarada oo fahantay in takoorku yahay wax diinta iyo dadnimada aan ku saleysnay isagoo tusaalayaal badan u soo qaatey sidii foosha xumaday ee dhaqanku u galay bulshada laheyb-sooco iyo waliba sida uu u xabaal nololiyey, waxaanu Barkhad isagoo kaftamo fara badan oo dadka ka qosliyey madasha ka yidhi si gaar ah farta uugu fiiqay is badalka muuqda iyo sida ay Bulshada somaliland gaar ahaan da,yartu uugu heelan tahay waxkaqabadka arimaha takoorka waxaanu si gaar ah fata uugu fiiqay Dhanaaniye oo ah wiil aad u da,yar oo 14 jir ah sida ay maskaxdiisu u garatey dhaqanka foosha xun.
Barkhad ayaa waxaa uu sheegay inuu rabo in sannadkan haddii Alle idhaahdo wax badan xukumadu diyaar u tahay wax ka qabashada Takoorka isagoo sheegay in uu rajeynayo in xeer Barlamaan oo ciqaab huwan laga soo saari doono aflagaadoonyinka ku saabsan cirdiga iyo sharafta muwaadinka, Manhajka waxbarashada dalkana lagu dari doono arimaha la dagaalanka cunsuriyada iyo takoorka.
Ugu danbeyntiina waxaa madasha soo af xidhay Abwaan Hadraawi isagoo abwaanku hadlaaya ayaa waxaa uu yidhi: intaan noolaa xafladan oo kale maan arag waayo dhalinyaradan caawa waxa ay dareenkeyga geysay halkii ugu sareysay waxaana guul ah in wixii aanu in badan la qaylin jirnay ee ahaa sinaanta iinsaanka maanta la fahmay, waxaa aad iyo aad iiga qiireysiiyey gabayga Dhanaaniye ee ahaa maxaa lanagu gaasiray? waxaaney xafladu caawa ku macaaneyd arinkaas oo kaliyaata. waxaan Alle ka baryayaa hadalka badin maayee in is badal fiican imaado oo aad jaftaan waxyaabaha foosha xun ee bulshadaas lagu hayo.
xafladan oo si qiimo badan u dhacday ayaa waxaa Shahaado Sharafyo lagu siiyey Barkhad Jama Hirsi oo ah la taliyaha Madaxweynaha oo ay dallada Sonyo ku siisay dadaalkiisa iyo la dagaalanka takoorka iyo sidoo kale tusaalaha uu u noqday dhalinyarada Somaliland, iyo Cali Dhanaaniye oo ah abwaan aad u da,ayar oo ka gabyey qadiyada Takoorka.
Related posts:
- Xaflad Aad u balaadhan oo lagu xusayey Abwaan C/laahi Cabdi Shube Oo Hargeisa Lagu Qabtey
- Hanbaylo ! Dhalinyarada kubada Cagta Ee Shubayaashaa Oo ku Guuleystay koobkii Dhalinyarada somaliyeed lagu Qabtay Dalka Kuwait
- Xaflada xuska 1-da Luulyo ayaa lagu qabtay dalka kuwait waxaa soo Agaasimay Ururka Dhalinyarada Somaliyeed ee Dalka kuwait
- Akadhimiyada Aqoonyahanka Beelaha Gabooye Oo Hargeisa Lagaga Dhawaaqey!
- Eid Mubarik Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Gabooye ee UK
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=5414































