Rayiisle Dood Badan Ka dhexdhaliyey Bulshada Oo Hargeisa Laga Furay!

Bariisle Media:Monday,Janaury,30,2012(HARGEISA)Waxaa Magaalada Hargeisa gaar ahaan Farasmagaalaha laga furay Rayiisle ama goob lagu qurxiyo Timaha, Rayiislahan ayaa waxaa uu noqday mid magac iyo muuqaal gaar ah ku soo kordhiya saaxada ganacsiga yaryar ee suuqyada Hargeisa.

haddaba Rayiislahan ayaa waxaa loo bixiyey magaca Midgaan oo inta badan somalidu adeegsato marka ay sifaynayaan qof ama qoomiyad xumaanteeda taas oo caado dhaqan noqotey iney adeegsadaan marka ay isku sheegayaan dhaliishooda isla markaana si ay u tilmaamaan haladaadka uu galo qofi,

“Waar Waxyahow Midgaanka ahi naga Aamus waxba ku hadli mayside” odhaahdan iyo kuwo kaloo lamid ahiba waxay dhagahaaga ku soo dhacayaan marka aad dhex fadhiisato ama aad dhex marto goobaha ay bulshadu ku badan tahay.

Magaca Midgaan ayaa sida badi bulshada qaarkeed aaminsan tahay ah magac hooseeya oo fool xun sidoo kalena logu yeedho qoomiyad ama qabiil kamid ah Somalida kuwaas oo mudo dheer lagu hayey takoor iyo tacadiyo dhinca nolosha ah oo aan ku saleysneyn diinta iyo dadnimada,

Bulshada magacan leh oo iyadu aan uba arag in wax shido ah uu leeyahay magacani ayaa waxa iyaguna qabaan fikrad taas ka duwan oo ah in Magcani yahay mid kamid ah magacda qabaa,ilka Somalidu leedahay kaas oo lagu xadgudbay sidoo kalena laga qaaday karaamadii iyo sharaftii uu lahaa,

Haddaba hadii aynu isyar dultaagno micnaha dhabta ah ee Magacan ayaa waxaa jira fasiraado kala duwan oo ay ka bixiyaan dadka iyagu aqoonta u leh cilmiga arimaha bulshada, qaarkood ayaa qaba in magacani yahay Gacanta Midig oo laga dhigay jamac noqoneysana Midgo. Sidaana waxaa sheegay nin ka soo jeeda bulshada magacan lagu takooro isagoo fasiraada magacanna ka hadlaya yidhi Alle waxaa uu ku sheegay Qur,aankiisa laba qolo oo lakala idhaahdo asxaabul yamiin iyo asxaabul shimaal. markaa magacani wax dhib ah malaha oo waxaa uu ka soo jeedaa qolada asxaabul yamiinka. ee ehlu jannaha ah waana sifo fiican oo ifka lanoogu bixiyey lagana maragkacay inaanu ehlu janno nahay waxaanan taas u daliil ah cidna ma dhibno cidna ma dhaleecayno ee anagaa lanagu xadgubnaa abaalkeedana Alle ayaanu ka rajeynaynaa inuu jannada nooga dhigo

dhinaca dadka qaarna qabaan fikrada ah in qabiilkani ahaan jiray qabiil boqortooyo ah oo jabey kadibna lagu xidhay intoodii soo hadhay xerooyin iyadoo bartaas lagu go,doomiyey kadibna maalinba midi dhiman jiray oo dadku odhan jireen waarmaantana midbaa go,ay midigo, laakiin odhaahyadan iyo fikradahan ayaa lagu tilmaami karaa kuwo salka ku haya qof aragtidiisa waayo somalida ayaan inta badan aheyn kuwo taariikhdooda oo sugan qoraal lagu haynin oo iyagu ah dad hadalka ku caan ah Oral Soceity waxaa afka qalaad lagu yidhaahdo.

si kastaba ha ahaate Magaca loo bixiyey Rayiiskan ayaa waxaa uu noqday mid badi bulshada ka dagi waayey waayo waxaa magacani uu ahaa mid bulshada dhexdeeda ka ahaa mid hoosaaya oo soo hadalkiisuna yahay wax aad u fool xun,

 

Khadar Muuse Nuur waa Mulkiilaha Rayiislaha Midgaanyare waxaanu ku booqanay Rayiislaha waxaanan su,aalnay sababta keentay inuu wakhtigan isagoo og qiimaha uu leeyahay magacani meheradiisa u bixiyo iyadoo waliba ah goob ganacsi oo cidkastaba imaneysa?

Ja: Horta wax ku jaban ama wax loo diido oo ii muuqataa ma jirto waana magac aan aad u jeclahay waanan macaansadaa marka agteyda lagu soo hadal qaado waayo waxaa uu kow ka yahay odhaahaha aan uugu jecelahay iney dhagaheyga ku soo dhacaan,

Haa waa dhab oo goobtu waa goob ganacsi magaca loo bixiyo iyo adeegeedana waxba iskamaga xidhna waayo intaas oo bakhaar ayaa magaalada kuyaal oo la idhaahdo Awcismaan miidhan kuwaa maxaa loogu odhan waayey maxaad uula baxdeen magacan? kanna waxaa uu kamid yahay Awcismaanyadaas un wax ku jabbanna ma jiro.

Su: Maxaa kugu kalifay inaad magacan la baxdo waayo waa magac la isku caayo oo bulshadu ka haysato dareen hooseeya?

Dareenkaasiba waa kaan rabo inaan meesha ka saaro, maxaa yeelay waxaa jiro waxyaabo badan oo dareen liita laga haystay tusaale haddii aan u soo qaato waxaa kamid ah cunnada aynu cunno qaarkeed sida Caloosha, Madaxa, iwm. haddii aan gasho hudheelada hargeisa fiidkaba ka heli maysid madax iyo calool, berigii hore waa laga wiswisi jiray cidda cuntana waa lagu caaji jiray sababtuna waxay aheyd dadka oo dhaqan xun oo jahliya haystay, laakiin imika magacyo fiican ayaa loo bixiyey oo ah Turubo, iyo Raas, markaa waxaa lagu suuliyey dareenkii laga qabay. tanna waa sidaas oo kaloo waxaa haboon in dareenkas liita un laga saaro.

Hadafkeyguna waxaa uu yahay in bulshadayadu ku faanto magacan oo aaney ka boqon runtana u sheegaan cidii cay ka dhigaysa. waxaanan aad uugu hambalyeynayaa dhalinyaradan danbe oo wax badan fahantay waxaanan ka rajeynayaa iney imandoonto maalin somalida dhexdeeda lagag faani doono waayo waynu ka warqabnaa yurub somalida joogtaa waa wada Midgo kuwa dalkuna waxaa mihiim ah iney wada midgo noqdaa.

i

waxay aheyd markii xaflad ilyartu isqabatey sannadkan gudihiisa uu ka dhex sharaxy magacan iyo micnihiisa lataliyaha Madaxweynaha arimaha dadka laheyb-sooco. Barkhad Jama Hirsi kana waramay qiso dhab ah oo ku saabsan magacan kana dhacday dalka England.

 

qisadan ayaa waxa ay dhex martay wiil somali ah iyo odey kamid ah odayaasha qabiilkan, wiilkan ayaa waxaa uu isku dhiibay magaca midgaan markii uu galay wadanka, maalin ayaa loo yeedhay loona sheegay inuu i soo diyaar garoobo wareysi lala yeelan doono.

wiilkii ayey jiq ku noqotey waxaanu miciin soo biday odaygii oo ahaa Mahdi Cismaan Buuri wasiirkii hore caafimaadka somaliland laakiin wakhtigaas ahaa reer london, kadibna wiilku waxaa uu ergo ahaan u soo kaxaysatay oday ehelkiisa ah si uu Mahdi uugala hadlo isla markaana Mahdi ka saacido aftirsiinta bulshadan.

Mahdi ayey u yimaadeen wiilkii iyo odaygiiba waxaanay u sheegeen iney marti maanta uuga yihiin inuu ka saacido arinkan, Mahdi ayaa waxaa uu arkey wiilkii oo naxdin iyo dhidid isku daray iskuna qaban laadahay qiimaha magacan maanta leeyahay iyo somali dhexdeeda wax uu ka ahaa naftiisiina ku qancin kari lah waar maantaad midgaan sheegani, Mahdi ayaa wiilka intuu ku soo dhaqaaqey dabadeedna laabta ka dhirbaaxay oo ku yidhi

“Abti Bi,i waaye Bahalka Laabta u sii daa”

Barkhad Jama

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=5454

Posted by on Jan 30 2012 Filed under MAQAALO, WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com Designed by Bariisle Media

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress