Shirkii Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya (ICG) oo ka furmay Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay

Bariisle Media:Sunday,February,05,2012(Jabouti)Shirkii kooxda xiriirka caalamiga ee Soomaaliya ICG ayaa maanta ka furmay dalka Jabuuti, iyadoo shirkan looga hadlayo xaaladda dalka Soomaaliya, waxaana ka qaybgalaya xubno ay ka mid yihiin ra’iisul wasaare, C/weli Maxamed Cali iyo afhayeenka baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in xukuumadda KMG ah ay dadaal ugu jirto fulinta heshiiska Roadmap-ka ee lagu dhameystirayo xilliga KMG ah, ayna rajo-weyn ka qabaan in muddada u harsan xukuumadda lagu dhameystiro.

“Xukuumaddeydu waxay ballanqaadaysaa inay fuliso heshiiska khariidadda nabadda (Roadmap), taasoo noo ogolaanaysa inaan u gudubno hanaan cusub oo nabadgalyo iyo horumar salka ku haya,” ayuu ra’iisul wasaaruhu ku yiri khudbad uu ka jeediyay furitaankii shirka.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in xukuumadda uu madaxda u yahay ay ku tallaabsatay guulo muuqda intii ay jirtay kuwaasoo ay ka mid yihiin: inay sugeen nabadgalyada magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho, Baladweyne, Dhoobley iyo kuwo kale oo ay dowladdu kala wareegtay Al-shabaab.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu khudbadiisa ku xusay saddex arrimoood oo uu sheegay inuu rumeysanahay inay aasaas u noqon karaan mustaqbalka dalka Soomaaliya, ayna fure u noqon karaan in horay loo socdo.

Qodobka koowaad ayuu ku sheegay: In la helo sharciyad, taasoo uu sheegay in lagu heli karo in xukuumaddu ay tusto shacabkeeda kalsooni dhab ah. sidoo kalena in sharciyaddu aanay ku imaan karin dadka oo cabsi la geliyo, sidoo kalena aysan sharciyaddu ka imaan karin dibadda dalka.

“Sharcinimada dhabta ah waxaa lagu heli karaa dib u heshiisiin, ammaanka oo lasoo celiyo, daganaasho, cadaalad dhab ah iyo fursado shaqo oo la abuuro,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray: “Mudadii aan xilka hayay oo lix bilood ah xukuumadeydu waxay kaalmo u fidisay shacabka, waxay hormarisay hay’adaha caafimaadka iyo dayactirka wadooyinka, innagoo kaashanayna dhinacyo badan sida Turkiga.”

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu hoosta ka xariiqay inuu rumeysan yahay in dowladnimadu ay shacabka ka timaaddo, isagoo yiri: “Waxaan doonaynaa inaan dib u dhisno xiriirka ka dhexeeya baarlamaankeenna iyo shacabkeenna – taasna waa midda aan ku doonayno in dib u habeyn lagu sameeyo baarlamaanka. Waxaan doonaynaa inaan abuurno awoodda sharci iyo mid wax-soo-saar si aan u helno dastuur iyo baarlamaan sharci ahm.”

Dhanka kale, C/weli Gaas wuxuu sheegay in sidoo kale ay fulinayaan qodobbadii lagu gaaray shirkii lagu qabtay magaalada Garoowe, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen in la helo baarlamaan sharci ah. wuxuuna intaas ku daray in xukuumaddiisa ay kala shaqeynayaan dalalka caalamka iyo bulshada rayidka.

Qodobka labaad ayuu ku sheegay isla-xisaatan. Isagoo xusay in isla xisaabtanku uu saldhig u noqon karaa mustaqbal wanaagsan oo ay Soomaaliya gaarto. Wuxuuna ku daray intaas in qodobkan uu maqnaa tan iyo markii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay oo hadda laga joogo labaatan sano.

Isla xisaatanka ayaa wuxuu ku sheegay ra’iisul wasaaruhu inay xukuumaddiisu si aad ah xoogga u saartay muddadii ay jirtay, isagoo xusay in isla xistaabtanka ay ka mid tahay in la dhowro ballanta ah in la dhaqangeliyo wixii lagu heshiisyo sida in muddadii loogu talogalay looga gudbo xilliga KMG ah.

Qodobka saddexaad ayuu ku sheegay: Howl-karnimo, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la dhameystiro howlihii la billaabay. Wuxuu sheegay in dunid ay ka billowday sannadkii 1992 howlo rajo soo celin ah, si looga baxo dhibaatooyinkii jiray sida macluusha iyo dambiyada, isagoo daboolka ka qaaday in iyadoo la joogo 2012 ay weli jirto macluushii, dambiyo ay ka mid yihiin in la xado gargaarka aadanaha.

Mar uu ka hadlay shirka London lagu qabanayo ayuu sheegay inuu soo dhaweynayo wuxuuna xusay saldhig u noqonayo dhameystirka heshiiska Roadmap iyo qodobbada heshiiskii Garoowe, isla markaana uusan ahayn laga dhinac furayo howlahaas.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay aqbalaan shirkaas, madaaama uu yahay shir abuuraya awood lagu fuliyo howlaha na horyaalla, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhameystirka qoraalka dastuurka iyo abuurista baarlamaan cusub. Inagoo rajeynayna in shirkaas uu dareenka dunida u soo jeediyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa xoojinta ammaanka. Waxaana rumeysannahay inuu noqon doono mid xal loogu helo burcadbadeedda dalkeenna,” ayuu yiri ra’iisul wasaare C/weli Gaas.

 

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali wuxuu u mahadceliyay Qaramada Midoobay oo agaasinka shirka qayb ku leh iyo dowladda Jabuuti oo martigelisay.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=5478

Posted by on Feb 5 2012 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com Designed by Bariisle Media

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress