Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub
Bariisle Media:Wednesday,February,08,2012(Muqdisho)Ra’iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan bariga Afrika, Alexander Rondes oo ay la socdeen Madaxa EU ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.
Kulanka oo sidoo kale ay ka qaybgaleen xubno wasiirro ah oo ay ka mid ahaayeen: wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise iyo wasiir-u-dowlayaasha wasaaraha arrimaha dibadda xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu soo qaaday shirka London iyo qodobbo kale.
Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horreyntii soo dhaweeyey ergeyga gaarka ah ugana mahadcelinayay imaatinkiisa Muqdisho, isagoo ka codsaday in Midowga Yurub ay laba jibaarto dadaalkooda ku aadan sidii shacabka Soomaaliyeed loogu heli lahaa nabad iyo amni waara.
Sidoo kale, wafdiga iyo ra’iisul wasaaraha waxay si gaar ah uga hadleen qorshaha iyo istraatiijiyadda DKMG Soomaaliya ee ku wajahan goobaha iyo goobaha laga qabsaday Al-Shabaab si shacabka ku nool loo gaarsiiyo adeegyada bulshada iyo gargaarka bani’aadanimo, loogana shaqeeyo sidii ay u sameysan lahaayeen guddiyo amni iyo maamul ay iyagu doorteen.
Mar kulanka looga hadlay shirka London ayaa waxaa laga soo jeediyay in beesha caalamka ay hal meel uga soo wada-jeesato xal u helidda arrimaha Soomaaliya oo kulanka aad looga qiray inay jirto fursad dahabi ah oo xukuumadda KMG ah ay ku guuleysatay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin amniga iyo xasilinta dalka.
Ergeygan gaarka ah oo ay dhawaan Midowga Yurub u magacaabeen inuu wakiil uga noqdo geeska Afrika ayaa sheegay inuu mudnaanta siinayo Soomaaliya. iyadoo ay muuqato inuu caalamku u soo jeestay wax ka qabashada arrimaha Soomaaliya kaddib markii xukuumadda ay guulo waaweyn ka sameeyey dhan walbo sida amniga, dastuurka cusub, dib-u-habeynta baarlamaanka, xiriirka maamullada iyo dowladda dhexe iyo maamul wanaaga.
“Shirkan London waa mid qorshihiisu yahay sidii lagu abuuri lahaa jawi caafimaad, mid waxbararsho iyo nabadeed,” ayuu yiri Rondes, waxaana kulanka kaddib lagu sheegay in shirka London uu yahay mid lagu raadinayo nabadda Soomaaliya oo aysan jirin dano kale oo laga leeyahay.
Imaatinka wafdigan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ay jireen hadal-haynno badan oo sheegaya in shirka London uu qorshihiisu yahay in Soomaaliya lagu geliyo maxmiyad, loona sameeyo dowlad ay wasiirro ka yihiin xubno ajnabi ah.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=5526
































