Ururka Jaamacadda Carabta oo kulan ay kaga hadlayaan Arrimaha Soomaaliya yeelanaya dhammaadka bishan

Bariisle Media:Thursday,February,09,2012(Riyadh)Guddiga joogtada ah ee ururka jaamacadda carabta ayaa lagu wadaa inay qabtaan shir deg-deg ah 19-ka bishan Feberaayo kaasoo looga hadli doono arrimaha dalka Soomaaliya.

Warkan oo ay baahisay wakaaladda wararka Kuwait ee KUNA ayaa lagu sheegay in shirka looga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin shirka Soomaalida ee London lagu qabanayo, kaasoo dhacaya bishan 23-keeda, iyadoo dalalka carabta ay doonayaan inay fikir ku yeeshaan shirkaas.

Shirka London loogu qabanayo Soomaalida ayaa waxaa la sheegay in looga hadlayo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa inay dowladnimadii soo laabato, iyadoo dalalka ka qaybgalaya tiradooda lagu sheegay 40-dal iyo ururro caalami ah.

Shirka ay yeelanayaan xubnaha ururka jaamacadda carabta ayaa la sheegay inay uga doodayaan sidii ay hoggaanka shirka London qayb uga noqon lahaayeen, si ay wax ugu yeeshaan nabad kusoo celinta dalka ay dagaalladu burburiyeen ee geeska Afrika ku yaalla.

Qodobbada kale ee shirka jaamacadda carabta looga hadlayo ayaa waxaa ka mid noqon doona sidii lagu caawin lahaa Soomaaliya kaddib 21-sano oo dagaalo ay ka socdeen, gaar ahaan sidii ammaanka iyo kala dambeynta lagu soo celin lahaa iyo sidii horay loogu wadi lahaa horumarrada dhinaca siyaasadda ah.

Lama sheegin shirkan ay ka qaybgalayso Soomaaliya iyo in kale, iyadoo shirkan uu kusoo beegmayo xilli dalka Ingiriisku uu sheegay inuu doonayo in indha caalamka uu kusoo duwo Soomaaliya si ay wax uga qabtaan.

Related posts:

  1. Jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay oo isku raacay in aan waxba laga qaban Karin arimaha Soomaaliya inta laga helayo heshiis wadareed ay galayaan dhinacyada Soomaalida.
  2. QM oo ugu baaqday Imaaraadka Carabta inay caawiso dadka Soomaliyeed
  3. Milkiilayaasha Doonyaha shixnadaha Ganacsi ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo diiday in wax shixnado ganacsi ay u soo qaadaan dekadaha Soomaaliya.
  4. Danjire Mahiga oo sheegay in shirka Nairobi uu qabsoomayo ayna kasoo qaybgalayaan maamullada Soomaaliya
  5. Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan xasaasi ah kula yeeshay xafiiskiisa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=5538

Posted by on Feb 9 2012 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com Designed by Bariisle Media

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress