Ciidamada AMISOM oo la wareegay deegaanno muhiim ah oo ku yaalla inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye

Bariisle Media:Tuesday,February,14,2012(Muqdisho)Warsaxaafadeed  ka soo baxay ciidamada midowgga Africa ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in saakay waabarigii hore ee ciidamada AMISOM ee la wareegeen fariisimo ama xuramo muhiim ah oo sida ay sheegeen saraakiisha AMISOM ku
yaala duleedka magaalada Muqdisho.

Taliye ku-xigeenka ciidamada AMISOM Audace Nduwumusi ayaa warbaahinta u sheegay in saakay ciidamadu la wareegeen halka lagu magacaabo Buurta Cali Janaale oo ku taala duleedka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in goobta ay ciidamadu tageen saakay aheyd halka inta badan looga soo duuli jiray ciidamada midowgga Africa muhiimad gaar ahna ulaa
xoogagga ka soo horjeeda ee Al-shabaab.

Sidoo kale ciidamada midowgga Africa ayuu sheegay in gaareen halka lagu magacaabo Sarta Maslax oo qiyaastii ilaa 200 oo talaabo u jirta xarunta taliska Asluubta ee ku taala agagaarka Ex-koontarool Afgooye, halkaa oo ay ciidamadu ka sameyteen fariisin cusub.

Dhaq dhaqaaq iyo isbaraarinta ay sameeyeen ciidamada AMISOM duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Ex-koontarool Afgooye, ayaa markii danbe sababay in ay weerar ku soo qaadeen xoogagga Xarrakada Mujaahidiita Al-shabaab, waxaana labada dhinac dhaxmaray dagaal kooban.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Paddy Ankunda ayaa warbaahinta u sheegay in dagaallka saakay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Ex-koontarool Afgooye wax khasaare ah ka soo gaarin dhinacooda, waxaana uu intaa ku darray in ay dib u caabiyeen kooxihii weerarka soo
qaaday.

Dhaq dhaqaaqa militari iyo isbalaarinta cusub oo ay sameynayaan ciidamada midowgga Africa oo caawiya dowladda KMG ayaa ku soo beegamaya xili dhawaan taliska AMISOM ay sheegeen in ay dulaan ku yihiin degmada Afgooye ee gobollka Shabeellaha hoose.

Related posts:

  1. Qarax geystay dhimasho iyo dhaawac oo Maanta ciidamada dowladda Lagula eegtay Isgoysks Ex Contarol Afgooye iyo Xarakada Al Shabaab oo sheegtay.
  2. Mareykanka oo ku shaqeynaya magaca Gaashaanbuurta NATO oo taageero daad gureyn dhanka ciidamada siiyay ciidamada AMISOM.
  3. Midowga Afrika oo codsaday in lacaawiyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.
  4. Qarax ay dadi ku dhaawacmeen oo saakay ka dhacay beer meel ku dhow degmada Afgooye uu ku lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
  5. Taliska Ciidamada AMISOM oo sheegay in ay ka war heleen qaraxyo la doonayo in lala beegsado goobaha ay ku badanyihiin dadka Shacabka ah.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=5554

Posted by on Feb 14 2012 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com Designed by Bariisle Media

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress