Hay’adda Xasaradaha Dunida ee ICG oo ka hadashay Faragelinta Ciidanka Kenya ee Soomaaliya
Bariisle Media:Thursday,February,16,2012(Muqdisho)Hay’adda xasaradaha caalamka ee ICG ayaa faragelinta ciidamada Kenya ay ku sameysay Soomaaliya ku tilaantay mid muddo dheer qaadan karta, iyadoo sheegtay in ciidamada Kenya aysan aqoon u lahayn dagaallada jabhadeynta ah ee ay adeegsanayaan xoogagga Al-shabaab oo ku biiray Al-Qaacida.
Warbixinta hay’adda ayaa lagu sheegay in dagaalka ay Kenya kula jirto Al-shabaab uu qaadan doono muddo dheer, inkastoo aysan hay’addu bixin saadaal dhab ah oo ku aaddan muddada ay qaadan karto joogitaankooda.
Xukuumadda Nairobi ayaa waxay kumannaan askarteeda ah u dirtay Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii hore, iyadoo saraakiisha Kenya ay sheegeen inay la dagaalamayaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen falal ammaan-darro oo ay ka geystay gudaha dalkooda.
Hay’adda ICG, waxay talooyin ku aaddan dagaalka ay Al-shabaab kula jiraan u jeedisay Kenya, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen: inay istiraatiijiyadda dhameystiran u sameyso howlgalkeeda Soomaaliya iyo ka bixitaankeeda, sidoo kale in howlgallada ay kawaddo Soomaaliya ay noqdaan kuwo ay la kaashato ciidamada AMISOM.
Talooyinka ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah inay si toos ah u bartilmaameedsato dekedda Kismaayo oo ay Al-shabaab ka hesho dhaqaalaha ugu badan, ayna kasoo dagsto hub iyo ciidamo ay ku difaacdo magaaladaas. Isla markaana ay ka fogaato dagaallada deegaannada howdka ah kuwaasoo ay waxyeello kasoo gaari karto dadka shacabka ah.
Waxaa kaloo lagula taliyay Kenya inay horumariso ka mid noqoshaheeda AMISOM si loo xoojiyo howlgallada lagu sugayo ammaanka gudaha Soomaaliya, ayna la shaqeyso ciidamada ammaanka ee deegaannadaas ka jira.
Inay sidoo kale horumario qorshayaasha gobolka iyo kuwa calaamiga ah iyo sidoo kale inay si daacad ah ula shaqeyso beelaha gudaha iyo kooxaha jira iyo weliba in maamul ay u sameyso Kismaayo.
Hay’adda ICG ayaa waxay talooyinkeeda kusoo beegtay xilli ay Kenya horay u sheegtay inay bartilmaameed ka dhiganayso magaalada Kismaayo, inkastoo ay isku dayayso Al-shabaab inay si adag u difaacato magaaladaas.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=5571





















