Madaxweynihii hore ee Somaliland oo dalka u yimid inuu soo afjaro khilaafka xisbiga UDUB kana soo horjeestay ka qayb-galka shirka London

Bariisle Media:Thursday,February,16,2012(HARGEISA)Madaxweyne hore ee Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Md Daahir Rayaale Kaahin, ayaa dalka dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa  ka dib markii uu muddo sanad ah dalka dibadiisa kaga maqnaa.

Daahir Rayaale Kaahin Guddoomiyaha xisbiga UDUB waxa maanta garoonka magaaladda Hargeysa ku soo dhoweeyey boqolaal ka mid ah taageerayaasha xisbigaasi, kuwaas oo gaadiid aad u farobadan ku soo galbiyey, waxaanu toos u yimid gurigiisa magaaladda Hargeysa, halkaas oo uu warbaahinta kula hadlay.

Daahir Rayaale oo dalka u yimid sidii uu usoo afjari lahaa kilaafka ka dilaacay xisbigiisa, kaas oo u kala jabay laba garab oo waaweyn, isla markaana muddooyinkii u dambeeyey warbaahinta isku marinayey dhaliilo uu mid walibna ka kale ku eedeenayo inuu ka dambeeyo khilaafka xisbiga soo waajahay, inkastoo uu ku xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin uu u anbabaxay shirka London oo aanu dalka joogin.
















Guddoomiye Rayaale ayaa ka hadlay shirka Lodon, Dagaalka Buuhoodle iyo xaaladda guud ee dalka, sidoo kale waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu xaliyo khilaafka xisbigiisa ka tagaan, isla markaana uu dib u mideyn doono.

“ dagaalku marna ma fiicna, waxaana ku talinayaa in nabad lagu dhameeyo wax kasta oo jira,, dagaal aan loo baahnayn in la galo maaha, horta meesha lagu dagaalamayaa waa meel cidlo ah, meel cidlo ah in lagu dagaalamana maaha, labadda dhinacba wixii kaga dhintay waan u tacsiyadaynayaa, labadda dhinacna waa dad Somaliland” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga UDUB oo ka hadlayey dagaalkii ka dhacay deegaanka Buuhoodle.

“ anigu mabda’aygu waa UDUB, waxaanan aaminsanahay in aanay Somaliland gorgortan galayn, ninkii gorgortan galiya anigu lama socdo,Xukuumaddana lama socdo,  guddoomiye ku xigeenkaygana lama socdo, mabda’aanu ku wada soconay waxay ahayd in aan gorgortan la galin Somaliland” ayuu yidhi mar uu ka hadlayey shirka London iyo sida uu u arko maadama oo uu shirkaasi ka qaybgalayo guddoomiye kuxigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasin.

Md Daahir Riyaale oo wareysi siiyey idaacadda VOA-da ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo ka qaybgalka shirka London ee Somaliland, isagoo sheegay in uu dhibaato ku yahay reer Somaliland wixii soo baxa ay mas’uuliyadeeda qaadayso ciddii go’aansatay in laga qaybgalo.

Mar  kale isagoo ka jawaabay su’aal ay HOL ka waydiisay rajadda uu ka qabo inuu xisbigiisa oo laba garab u kala jabay ku mideyn karo, waxa uu yidhi “ boqolkiiba boqol waan ku kalsoonahay in aan midaynayo, xisbigaygii oo dhani waa kaa ila wada jooga, hadday shalay laba garab u kala fadhiyeen waa kuwan maanta aniga I garab fadhiya, taas ayaa idiin muujinaysa in aan xisbigayga isku keeni karayo”ayuu yidhi Daahir Rayaale.

Labaddii garab ee xisbigu UDUB u kala jabay oo baryahan aan isku sanbanaanayn, balse maanta si wada jir ah ayey labaddooda garab usoo dhoweeyeen,kuwaas oo ku heshiiyey in si wada jir ah u soo dhoweeyaan guddoomiyahoodda, wixii khilaaf ahna meel iska dhigaan.

Related posts:

  1. Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada Somaliland oo ogolaaday in Somaliland ay ka qeybgasho Shirka London
  2. Garabkii isbedel-doonka Udub oo shalay si rasmiya ugu biiray xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye
  3. Xuquuqda ka qayb galka Siyaasada ee beelaha la hayb sooco Waxaa soo diyaariyey Ururka Codka Haweenka VOSOMWO
  4. Qarax ay dadi ku dhaawacmeen oo saakay ka dhacay beer meel ku dhow degmada Afgooye uu ku lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
  5. Madaxweyne Shariif oo shirka London ka sheegay in loo baahan yahay in Somalia laga qaado cunno-qabteynta hubka

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=5581

Posted by on Feb 16 2012 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com Designed by Bariisle Media

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress