Ku soo Dhawoow Wararkii Ugu danbeeyey ,Somalida iyo Addunka Live U daawo Al Jazeera tv » SUGAAN

“Gabeygii Quudhsi Diid “ Halyeeygii,Geesigii Abwaan Ayax Dhowre Dagaal
Bariisle Media:Thursday, March 24, 2011(Bariisle Media)Gabaygan waxaa tiriyey halyeyga caanka ka noqday Soomaaliya oo dhan ee ay Abwaanadu magaciisa kusoo daraan maansadooda marka ay ka sheekeynayaan dulmi diinimo iyo hanweynaan. Wuxuu kaloo Abwaanku caan ku yahay inkastoo aan maanta la sheegin oo si kale loo fasiro maahmaahda ay Soomaalidu wada taqaan ee ah: “Ayax teg Eelna reeb”. Abwaanku wuxuu ka tegey gabayo iyo suugaan badan oo aan maanta la hayn lana qariyey ama la min guuriyey. Waxaa inta badan la neceb yahay in la soo faago ama dibada la keeno Suugaantii Ayax dhowre iyadoo laga baqayo in ay soo baxaan ceebo fara badan. Ayax, Allaha u naxariistee, wuxuu ahaan jirey nin aan gaban oo aad u necbaa isku xadgudubka. Wuxuu ahaa nin aad u han weynaa oo ka dhashay qowmiyadaha laga tira badnaa ee ku noolaa Agagaarka Mudug. Wuxuu yaqaanay xuquuqdiisa, wuxuuna wax walba ka hormarin jirey inuu ilaasho sharftiisa iyo reerihiisa. Sababta uu gabaygan caan baxay u tiriyeyna waxay ahay Godob uu ka sheeganeyey Reer ay oodwadaag ahaayeen oo ku xad gudbay. Qisadiina waxay u dhacday sidan:

Ayax Mohamed Dhowre Dagaal oo ka dhashay qowmiyada Yibraha ayaa wuxuu la degi jirey oo ay isku quud iyo qaaraanba ahaayeen Jilib hoose oo ka tirsan Cumar Maxamuudka Majeerteen oo la yiraahdo Reer Hassan Samatar.  Labada Reerba xoolahoodu isku meel bay daaqi jireen, isku ceelna way ka cabi jireen oo waxay ahaayeen Reero isla duula oo ceeshoo milix ah. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa dhulkoo Eebe barwaaqo ka muujirey ayaa waxaa labada Reer oo lo’doodii isku jirto soo arooriyey wiil la oran jirey Cali Gaas oo uu Ayax Dhowre adeer u ahaa. Lo’ biyo aragtay lama celin karee, iyadoo qamaam ah ayay marba wiilkii yaraa dhinac u dhaaftay. Wuxuu ku dhibaatooday celcelinteedii markaasuu markii danbe ul ku halgaaday. Waxay ushii ku dhacday oo ay lug baabahda ka dhigtay sac uu lahaa Yusuf Seed oo ahaa Reer Hassan Samatar. Reer Dagaal ayaa sacii qashay maadaama uu tabcaamay oo aan la kabi Karin.

Yusuf Seed wuxuu qaan u sheegtay Reer Dagaal kuna dacwooday inay usoo magdhabaan saciisii uu wiiku ka jabiyey reer Dagaalna ay qasheen. Reerihii uu ka dhashay Yusuf seed ee ahaa Reer Samatar Khalaf ayaa u soo jeediyey Yusuf Seed in uu iska samro maamaada waxa dhibkaa geystay ay yihiin Reer Dagaal gaar ahaan Reer Mohamed Dhowre oo ay Bahwadaag yihiin, ha yeeshee Yusuf waa samri waayey. Ayax ayaa Arrintii la yaabay wuxuuna goostay inuu sacii bixiyo laakiin Niman Reer Cigaal ah oo ka mid ah Reer Samatar Khalaf-ka ayay arrintii la xumaatay markaasey 10 adhi ah siiyeen Yusuf una sheegeen inuusan wax danbe u qabsan una raadsan Reer Dagaal.

Maalmo ka dib ayaa waxaa Magaalada Gaalkacayo safar u aaday wiilkii uu Ayax adeerka u ahaa ee Cali Gaas waxaana arkay Yusuf Seed oo ahaa ninkii saca lahaa. Wuxuu dacweeyey wiilkii una sheegay Odayaasha in wiilkan laga siiyo saciisii uu ka jebiyey. Wiilkii yaraa ayaa u sheegay Odayaashii in Yusuf Seed la siiyey 10 ari ah oo uusan ku lahayn wax mag ah. Yusuf Seed wuu inkiray arrintii, waxaana lagu go’aamiyey inuu Cali Gaas dhaarto. Dhaartii ka dib ayaa Yusuf Seed waxaa loo xukumay 10 adhi ah oo kale oo laga rabo inay bixiyaan Reer Dagaal. Ayax ayaa arrintii maqlay oo aad uga xumaaday.

Muddo yar ka dib markii ay dhacday dhacdadaas hore ayaa waxaa ay 2 dumar ahi oo uu midi qabo Mohamed Xaaji Cali Barre midna uu qabo Carre caws gurasho u doonteen banaanka ka baxsan deegaanka. Labadii dumar ahaa ayaa waxay soo heleen Rati buubaal ah oo baadi ah oo duurkaas iska wareegaaya oo baxsad ahaa. Waagaas oo ahayd waagii Gumeystuhu uu dhulka kala boobayey ee soohdimaha la jeexayey ayaa waxaa jirey xeer ahaa in Xoolihii reeraha kale gala aan dib loo celin oo xoolahaasi baadi ma ahayn. Labadii gabdhood ayaa awrkii soo kaxeeyey waxayna kusoo beegmeen gurigii Ayax Dhowre oo markaa ugu kooneeyey guryaha. Waxay gurigii ka cabeen caano iyo biyo maadaama ay soo daaleen awrkiina xeradii Ayax bay uga tageen.

Ayax awrkii wuu ku dhaqmay oo wax badan buu raranayey. Waayo danbe ka dib ayaa wuxuu Mohamuud maqlay Reerkii uu ka dhashay ee Reer Hassan Samatar ahaa oo ku sheekeysanaya awrka. Mohammuud markiiba waa lagu kacay oo wuxuu wiil uu dhalay u diray Ayax si uu awrka uga soo ka xeeyo. Ayax ayaa markii uu dhegeystay wiilkii ugu jawaabay in ay aabihii ka wada xaajoon doonaan. Wiil Ayax dhalay oo wada hadalka awrka maqlayey ayaa ratigii la baxsaday oo soo iibsaday. Mohamuud oo xanaaqsan soona maqlay in awrkii la iibsaday ayaa soo istaagay gurigii Ayax una sheegay inuu awrkii soo celiyo. Ayax aad buu uga xanaaqay gardaradaas qaawan wuxuuna Mohamuud u sheegay inuu wax xoog looga qaato ama gar looga helo mooyee uusan si kale ku bixinayn awrka. Odayaashii Reerka ayaa Mohamuud dejiyey laakiin Mohamuud cid qabata waa la waayey. Buuq iyo ilaaq badan ka dib ayaa waxaa lagu go’aamiyey in la dhaarto oo Gaalkacayo la aado loona tago Qaaligii caanka ahaa ee Qaalli Uusle.

Wuxuuna Mohamuud Qaaligii u sheegay in rati ay naagtiisu lahayd isaguna uu wakiil uga ahaa uu Ayax wiilkiisu iibsaday, haatana uu doonayo ratigiisii. Ayax arrinkii waa mari weydey, wuuna diiday in waxa uu Mohamuud sheegayaa ay run tahay. Qaaligii ayaa ku amray in Ayax uu dhaarto, sidiibuuna Ayax ku dhaartay. Markii arrinkii dhamaaday oo la soo kala dareeyay ayaa wuxuu Ayax Dhowre go’aan ku gaaray inuusan dib danbe Deegaan, Quud iyo Qaaraan uusan ula noqon Reer Hassan Samatar. Wuxuuna go’aansaday inuu ka guuro oo uu Reerihiisa meel kale oo ka cadaalad iyo dadnimo wanaagsan uu raadsado. Ayax intuusan guurin ayuu tiriyey gabaygan caanka ah ee uu ku cabirayo sababta ku keliftay tegitaanka iyo sida uusan u qaadaneynin quudhsi iyo in lagu xad gudbo.

Abwaan Ayax Dhowre wuxuu yidhi:

Indhowaydba waataanan qirin qaaradii gabaye

Waa ka qatanaa meerkan iyo qabadkii dayreede.

Marka addinka qaarkiin gam’aa laygu soo qubaye

Sida Qawdhan iyo Gooni baan uga qiseeyaaye

Qammaam iyo sidii Weerar baan ugu qurxeeyaaye

Qaraabooy i maqal caawa waan soo qadimayaaye

Qubi waa qormada Reer Xasan ah qawl aan maqashiiyey

Qodob kalena waa duniyadii Qab aan ka faaleeyey

10.

11.        Qubi waa qormada Reer Hasana qawl aan maqashiiyey

40.        Qodob kalena waa duniyadii qab aan ka faaleeyey

Nimanyohow qumaati iyo qalooc kala qiyaas roone

Waxba lama qarshee hadal rag waa la isu qeexaaye

Fardo kala quluub bay nin rag ah qar uga tuuraane

Qoomaari orodkay sidii qumanyo roortaaye

Quluubtii dad oo kala go’daa waysu quruntaaye

Dadse heedhe way qoonsan jiray tan iyo qaabiile

Qooraha waxaa looga simay waysku wada qayre

Qawaaniinku waa inuu nin raggi ahi kula quwoodaaye

Qawaaniinku waa inuu nin raggi ahi kula quwoodaaye

Rabbi labaduu kala qaadayaa qurux ma yeeshaane

Waxse qoonsimaadkeen ka dhacay qaadistii sace

Qarankeen waxuu jabay markii qaali lays badaye

Naftaa laga qalbaday ruux yamiin qoorta loo suraye!

Waa kaa qamuunyada debnaha qooni kaga taal-e

Maxuu qumiyey Maxamuud hadduu qoomamays yahaye

Haddaanse Yuusuf Dhuux i qasbi karin ina qisaasaynin

Oo aan geel la Qaadiyo idiin la iga qaadaynin

Haddaan aniga qool iyo hogaan la igu qabanaynin

Qoloyari ninkii iga damcaa wow quluub xumo-e

Qoloyari ninkii iga damcaa wow quluub xumo-e

Qaalmo iyo geel aanad qabin adigu ii qaabil

Dabadeedna ii kala qorshee waa qiso adduune

Hadaanse talo rag wada qaybsanoo mid iska qoondaysto

Oo qaydka wiil yari dhufsado lagu qasaarowye

Qoonkii Wadaadkaba beryaa Eebe qoonsadaye

Afarta qablood iyo mar bay dunida qaateene

Kuman qoora goo iyo lug bay col u qarqaareene

Rag towxiidka qiraaya bay ka qarjaf-siiyeene

Qorax saacad joogtiyo barqaa qaamadkood galaye

Cirkaa lagaga soo qayey rasaas gaal ku soo qubaye

Dabadeedna qoys lagama arag toban qof mooyaane,

Majeerteen qaraabiyo tol iyo qaraqareyn waaye

Cali-Geri quwiyo xooliyo iyo waayey quruxdiiye

Qaashkii ku dhacay Aadan buu qaaxadii jaraye

Qabaalkii furee bay lahayd waa yar qawlalaye

Qurrux iyo waxii Cali ka dhacay qabax dharaareede

Salaasiin qur-go’ay lagama simin qayd maraykanahe,

Qarka Ina- Baluun baa lafaha qalax la moodaaye

Waxa Ceel Cadaadi uga jaray qaalin dabadeede

Qab-qab dhaafey bay labo qabiil qaran ku weydaaye

Qaabiilba haabiil markuu qoonsaduu dilaye

Qooqii Suryare loo dilaa qoodha goys dhigaye

Qooqii Suryare loo dilaa qoodha goys dhigaye

Qalbi malahid sheydaan hadduu qaalib kaa yahaye

Waa qowrar low kaaga jabay hadalka qaarkiise

Qardoofo iyo nimaan qaadan bay qaci ka joogtaaye

Qayaad iyo colaad Bah-Hararsame mar isu qoonteene

Gabdhahiina nimankii qabaad kala qatawdeene

Waxaa qiraala inaad uumiyaha kala xorowdeene

Qabkaad Mudug la joogtaan rag waysku qaldamaysaane

Quruun buu awoowgiin lahaa qoon u raaciyahe

Qolqolkiina nimankii fadhiyey qoysna laga waaye

Qaan sheegad buu kaaga tegay qoonkii Reer Amar-e

Gumasoor shalaa laga qur-jaray qalanjahoodiiye

Qardhacna lagama siin kolay ku tahay qaalin moordiyahe

Waxa Wadal-Moggana kaaga qumay waa ku qoonsadaye

Qabkii Ina-Xaliimoo kalaad iga qodaysaane

Ninkii qayrkii loo xiirayoo qoystay baan ahaye

Haddaan qaranka Reer-Diini tagiyo qolo kale u meero

Qallax iyo haddaan Ari-cad dego qaali baan noqone

Xaajada qumaatiga ayaa la igu qaataaye

Mar haddii qalooc hadalku galo waa qaraarahaye

Kolka awrka maan soo qabsado quusashaan ahaye

Dadkoose kula qasaariyo cidoo kula qaraamaada

Qaalmahatan geela ah iyo dharkoo qaadashiyo hooya

Qaydhiga qardhaasaha leh oo dabin la soo qaato

Diraacdiyo aroortii barnida lagu qaxweeynaayo

Feegaare malab jooga iyo herein lebenkeeda

Qunba subaga baabuur iyo qadow la heenseeyey

Waayeelka taladuu qatalay qodobka loo aaso

Qaatooyda dirireed hadday qaylo kore yeedho

Dhalinyaro qamaam waalan oo qalabka boobaysa

Waxaan adiga kugu quudin jiray qolo kalaan siine

Qalanjaha maroodiga ninkii waayo lagu qaybshay

Oo toban haruub oo qar jaran Eebe kaga quudshay

Tolankiyo qamuunyada ninkii labadaba u quuray

100. Oo qaar dambeedkiyo candhada feerka kaga qaaday

101. Qunba subaga baabuur iyo qadow la heenseeyey

102. Oo caanahuu qubay ilmadu qoysay baad noqone

103.

104. Qabiltiyo nikaax naagahaa qaata meherkiiye

105. Qabaanimo ninkii iga damciyo ii qasaal marada

106. Qadertaa  Illaah iguma qaban qoodhay iyo xeradaye

107. Waaryaan aniga xaajo aan i qaban la igu soo qaadin!.

108.

109. Walleese niman qabaayiil ahaan qoonsi kala waayin

110. Wallee geel nin laga qaaday baan orod qashlayn waayin

111. Wallee qodaxi nimay saydhay baan qoombin laga waayin

112. Wallee nimuu Illaah quudiyaan cidi ka qaadaynin

113. Wallee nimuu Ilaahay qadshaan qolo wax siinaynin

114. Wallee naag qab weyn iyo rag baan qiro heshiinaynin

115. Wallee qoys basari leedahaan waana qurux yeelan

116. Wallee milicdu nimay qabatay baan dhididku qoyn waayin

117. Wallee nimaan quraan dhiganin baan qaalli noqon waayin

118. Wallee qaaxo nimay hayso baan soo qufaci waayin

119. Wallee reer qorfiyo hawd degaan oonku qaban waayin

120. Wallee naag qabow kaa heshaan qabasho kaa deynin

121. Wallee tuug la daba qayliyaan qoobka rogi waayin

122. Nin qasaare galay baan Wallee qoomamo ilaawin

123. Wallee nimaan is qabanoow wanaag igama sii qaadid

Waxaa tirirey Abwaan/Halyeey iyo Geesigii Ayax Dhowre Dagaal

Related posts:

Xaflad Aad u balaadhan oo lagu xusayey Abwaan C/laahi Cabdi Shube Oo Hargeisa Lagu Qabtey

Alle ha u naxariistee Abwaan Abshir Bacadle oo saakay lagu aasay Muqdisho.

Magaalada Muqdisho oo saakay mar kale dagaal iyo duqeyn ku waabariisatay.

Yuusuf Shaacir Gabayadii {Cisman Ibrahin warsame (Hure )iyo Canbaro Nuux Mohamed}1964-1965
<object classid="clsid:d27cdb6e-ae6d-11cf-96b8-444553540000" width="480" height="385" codebase="http://download.macromedia.com/pub/shockwave/cabs/flash/swflash.cab#version=6,0,40,0"><param name="allowFullScreen" value="true" /><param name="allowscriptaccess" value="always" /><param name="src" value="http://www.youtube.com/v/nuR5drN-I5c&hl=en_US&fs=1&" /><param name="allowfullscreen" value="true" /><embed type="application/x-shockwave-flash" width="480" height="385" src="http://www.youtube.com/v/nuR5drN-I5c&hl=en_US&fs=1&" allowscriptaccess="always" allowfullscreen="true"></embed></object>

<object classid="clsid:d27cdb6e-ae6d-11cf-96b8-444553540000" width="480" height="385" codebase="http://download.macromedia.com/pub/shockwave/cabs/flash/swflash.cab#version=6,0,40,0"><param name="allowFullScreen" value="true" /><param name="allowscriptaccess" value="always" /><param name="src" value="http://www.youtube.com/v/ggJKImD-t7I&hl=en_US&fs=1&" /><param name="allowfullscreen" value="true" /><embed type="application/x-shockwave-flash" width="480" height="385" src="http://www.youtube.com/v/ggJKImD-t7I&hl=en_US&fs=1&" allowscriptaccess="always" allowfullscreen="true"></embed></object>

<object classid="clsid:d27cdb6e-ae6d-11cf-96b8-444553540000" width="480" height="385" codebase="http://download.macromedia.com/pub/shockwave/cabs/flash/swflash.cab#version=6,0,40,0"><param name="allowFullScreen" value="true" /><param name="allowscriptaccess" value="always" /><param name="src" value="http://www.youtube.com/v/fZwZRM9WY8o&hl=en_US&fs=1&" /><param name="allowfullscreen" value="true" /><embed type="application/x-shockwave-flash" width="480" height="385" src="http://www.youtube.com/v/fZwZRM9WY8o&hl=en_US&fs=1&" allowscriptaccess="always" allowfullscreen="true"></embed></object>

<object classid="clsid:d27cdb6e-ae6d-11cf-96b8-444553540000" width="480" height="385" codebase="http://download.macromedia.com/pub/shockwave/cabs/flash/swflash.cab#version=6,0,40,0"><param name="allowFullScreen" value="true" /><param name="allowscriptaccess" value="always" /><param name="src" value="http://www.youtube.com/v/-9SClubjfLs&hl=en_US&fs=1&" /><param name="allowfullscreen" value="true" /><embed type="application/x-shockwave-flash" width="480" height="385" src="http://www.youtube.com/v/-9SClubjfLs&hl=en_US&fs=1&" allowscriptaccess="always" allowfullscreen="true"></embed></object>

<object classid="clsid:d27cdb6e-ae6d-11cf-96b8-444553540000" width="480" height="385" codebase="http://download.macromedia.com/pub/shockwave/cabs/flash/swflash.cab#version=6,0,40,0"><param name="allowFullScreen" value="true" /><param name="allowscriptaccess" value="always" /><param name="src" value="http://www.youtube.com/v/nRmCw2ohFTs&hl=en_US&fs=1&" /><param name="allowfullscreen" value="true" /><embed type="application/x-shockwave-flash" width="480" height="385" src="http://www.youtube.com/v/nRmCw2ohFTs&hl=en_US&fs=1&" allowscriptaccess="always" allowfullscreen="true"></embed></object>

<object classid="clsid:d27cdb6e-ae6d-11cf-96b8-444553540000" width="480" height="385" codebase="http://download.macromedia.com/pub/shockwave/cabs/flash/swflash.cab#version=6,0,40,0"><param name="allowFullScreen" value="true" /><param name="allowscriptaccess" value="always" /><param name="src" value="http://www.youtube.com/v/0rCQo2BlX3I&hl=en_US&fs=1&" /><param name="allowfullscreen" value="true" /><embed type="application/x-shockwave-flash" width="480" height="385" src="http://www.youtube.com/v/0rCQo2BlX3I&hl=en_US&fs=1&" allowscriptaccess="always" allowfullscreen="true"></embed></object>

<object classid="clsid:d27cdb6e-ae6d-11cf-96b8-444553540000" width="480" height="385" codebase="http://download.macromedia.com/pub/shockwave/cabs/flash/swflash.cab#version=6,0,40,0"><param name="allowFullScreen" value="true" /><param name="allowscriptaccess" value="always" /><param name="src" value="http://www.youtube.com/v/ALdVMD7Xfmw&hl=en_US&fs=1&" /><param name="allowfullscreen" value="true" /><embed type="application/x-shockwave-flash" width="480" height="385" src="http://www.youtube.com/v/ALdVMD7Xfmw&hl=en_US&fs=1&" allowscriptaccess="always" allowfullscreen="true"></embed></object>

<object classid="clsid:d27cdb6e-ae6d-11cf-96b8-444553540000" width="480" height="385" codebase="http://download.macromedia.com/pub/shockwave/cabs/flash/swflash.cab#version=6,0,40,0"><param name="allowFullScreen" value="true" /><param name="allowscriptaccess" value="always" /><param name="src" value="http://www.youtube.com/v/5yT7beBhVB4&hl=en_US&fs=1&" /><param name="allowfullscreen" value="true" /><embed type="application/x-shockwave-flash" width="480" height="385" src="http://www.youtube.com/v/5yT7beBhVB4&hl=en_US&fs=1&" allowscriptaccess="always" allowfullscreen="true"></embed></object>

<object classid="clsid:d27cdb6e-ae6d-11cf-96b8-444553540000" width="480" height="385" codebase="http://download.macromedia.com/pub/shockwave/cabs/flash/swflash.cab#version=6,0,40,0"><param name="allowFullScreen" value="true" /><param name="allowscriptaccess" value="always" /><param name="src" value="http://www.youtube.com/v/nEMkUsUeU4o&hl=en_US&fs=1&" /><param name="allowfullscreen" value="true" /><embed type="application/x-shockwave-flash" width="480" height="385" src="http://www.youtube.com/v/nEMkUsUeU4o&hl=en_US&fs=1&" allowscriptaccess="always" allowfullscreen="true"></embed></object>

<object classid="clsid:d27cdb6e-ae6d-11cf-96b8-444553540000" width="480" height="385" codebase="http://download.macromedia.com/pub/shockwave/cabs/flash/swflash.cab#version=6,0,40,0"><param name="allowFullScreen" value="true" /><param name="allowscriptaccess" value="always" /><param name="src" value="http://www.youtube.com/v/xU5vXq8tNkM&hl=en_US&fs=1&" /><param name="allowfullscreen" value="true" /><embed type="application/x-shockwave-flash" width="480" height="385" src="http://www.youtube.com/v/xU5vXq8tNkM&hl=en_US&fs=1&" allowscriptaccess="always" allowfullscreen="true"></embed></object>

<object classid="clsid:d27cdb6e-ae6d-11cf-96b8-444553540000" width="480" height="385" codebase="http://download.macromedia.com/pub/shockwave/cabs/flash/swflash.cab#version=6,0,40,0"><param name="allowFullScreen" value="true" /><param name="allowscriptaccess" value="always" /><param name="src" value="http://www.youtube.com/v/SfCjNaPHdS8&hl=en_US&fs=1&" /><param name="allowfullscreen" value="true" /><embed type="application/x-shockwave-flash" width="480" height="385" src="http://www.youtube.com/v/SfCjNaPHdS8&hl=en_US&fs=1&" allowscriptaccess="always" allowfullscreen="true"></embed></object>

Related posts:

Shaqsiyaadka Sanadka 2011 Gudoomiye Ali Yarabag Warsame & Mohamed Nuur Mooge (Somali6)

Hanbalyo Suldanka Guud Ee Beesha Tumaalada”Cisman Aden”Ina Cilmi Tumaal”

Yuusuf Indhacadde “ Qaraxii la ila eegtay waxaa laga soo maleegay Madaxtooyada”